Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Napoli, Sevilla, Celtic, Maribor iyo Olympiakos oo Usoo Baxay Tartanka Yurub


Britain Soccer Champions League Final
Britain Soccer Champions League Final

Waxaa xalay la ciyaaray kulamo ka tirsan wareega ugu danbeeya ee kala sooca ah ee loogu soo baxayo tartanka kooxaha horyaalada Yurub ee sanadkaan.

Kooxaha Napoli, Sevilla, Celtic, Maribor iyo Olimbiyakos ayaa xaqiijiyey in ay usoo baxeen wareega koowaad ee koobka Champions League wareegiisa koowaad.

Sevilla waxay bar baro 2-2 ah ku kala baxeen xalay kooxda Istanbul Basaksehir balse isu geynta labada lug ee ay ciyaareen ayey kusoo baxeysaa 4 gool iyo 3.

Napoli waxay si fudud uga badisay naadiga Nice oo ay ku garaacday 2-0, goolasha waxaa u kala dhaliyey Jose Callejon iyo Lorenzo Insigne. Lugti horena waxay kusoo badisay natiija tan la mid ah, sidaasi daraadeed ayey labada is arag ku adkaatay 4-0.

Olympiakos waxay 1-0 ku martay naadiga Rijeka oo ay ku suul daartay 1-0. Labadi jeer ee ay kulmeen kooxahani, waxaa 2-1 ku badisay isu geynta goolasha kooxda Olympiakos .

Maribor-na waxay 1-0 isaga reebtay kooxda Hapoel Be'er Sheva ee reer Israel.

Caawana waxaa dhici doona kulamo kale oo loogu soo baxo wareega koowaad ee koobka kooxaha horyaalada Yurub.

Kooxda Liverpool ee dalka Ingiriiska ayaa la ciyaari doonta Hoffenheim oo ka dhisan Jarmalka. CSKA Moscow waxay soo dhaweyn doontaa Young Boys. FC FCSB waxay fooda dareysaa Sporting CP. Qarabag ayaa waxay marti u noqon doontaa FC Koebenhavn. Halka Slavia Prague ay wajaheyso APOEL Nicosia.

XS
SM
MD
LG