Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barcelona oo maxkamad la koreysa cayaaryahan Neymar


Neymar
Neymar

Kooxda Barcelona ayaa sheegtay inay maxkamad la kori doonto ciyaaaryahan Neymar, ayada oo dooneysa lacag dhan 10 milyan oo dollar oo ay horey u siisay Neymar, kadib markii uu jebiyey qanadraas uu la galay kooxda.

Lacagtan ayaa la xiriirta lacag abaal marin iyo daacadnimo uu ku helay Neymar, markii uu qandaraas cusub u saxiixay Barcelona bishii October ee sanaddii 2016.

Neymar ayaa ku biiray PSG afartii bishan august, isaga oo saxiixay qanadaraas shan sano ah.

Lacagta Barcelona ay dooneyso ayaa ah in dib loogu soo celiyo lacagtii ay siisay Neymar iyo 10% lacag dulsaar ah.

Barcelona ayaa ku doodeysa in maadaama Neymar uu ka baxay heshiiskii kooxda isaga oo ku biiray kooxda PSG ay dooneyso in lacagteeda loo soo celiyo, waxayna sheegtay in haddii uu bixin waayo ay lacagtaas ka dooneyso kooxdiisa PSG.

XS
SM
MD
LG