Isku xirrada

Muqdisho: Laba Eedeysane oo Dil lagu Xukumay


Muqdisho

Maxkamadda milatariga ee Soomaaliya ayaa maanta laba dhalinyaro ah ku xukuntay dil kadib markii lagu helay inay ka dambeeyeen dil bishii November ee sannadkii hore loo gaystay mid ka mid ah nabaddoonnada ka qaybqaatay soo xulistii ergooyinkaa ka qaybgalay doorashada Soomaaliya.

Dhinaca kalena qarax ayaa waxaa uu maanta ka dhacay agagaarka Ex-Kontorool Balcad, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa ayaa la sheegay in loola dan lahaa ciidamada Amisom.

Go’aanka maxkamadda iyo qaraxa ka dhacay agagaarka EX-Kontorool Balcad, waxaa warbixintan nooga soo diray weriyaheena Axmed Xasan Colaad.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG