Steven Gerrard ayaa kooxda Liverpool kula taliyey inay sameyso wax kasta oo ay awooddo si ula soo saxiixato daafaca kooxda Southampton Virgil van Dijk.
Liverpool ayaa doonesay in billowgii xagaagga ay la saxiixato Van Dijk ka hor inta aysan sii dayn bayaan ay ku sheegtay inay ka tanaasushay qorshahaas, kadib markii Southampton ay ku eedeysay inay si qaldan ula xiriirtay cayaaryahanka.
Xiddigan daafaca dhexe ka cayaara ayaa doonaya inuu ka tago Southampton xilli cayaareedkan, wuxuuna kooxda u gudbiyey codsi ah in la iibiyo, kaasi oo ay ku gacan seertay.
“Van Dijk waa lagama maarmaan, hadii Liverpool ay dooneyso inay meel wanaagsan ka gaarto horyaalka Premier League iyo kan Qaaradda Yurub, way u baahan tahay Van Dijk” ayuu yiri Gerrard.
Ka sokow Van Dijk, Gerrard wuxuu sheegay in Liverpool ay u baahan tahay laba illaa saddex saxiix oo kale oo cusub inay kooxda ku xoojiso.