Xaaladda magaalada Buuhoodle ayaa maanta degan ka dib markii dagaal uu ka dhacay maalintii sabtida, halkaas oo dad badani ay ku dhinteen.
Dagaalkaas ayaa u dhexeeyey laba beelood oo deegaankaas wada dega. Hase ahaatee waxaa gaadhay magaalada Buuhoodle gurmad kala duwan oo ku hawlan sidii loo soo afjari lahaa xiisadda halkaas ka taagnayd.
Wufuudda Gurmadka u tegey waxaa ka mida Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mid ah hoggaamiyayaasha dhaqanka Gobolka. Weriyaha VOA Cabdikariin Olol ayaa ka waraystay dadaalka ay wadeen.