Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo Qorsheeneysa Weerar ka Dhan ah Keymaha Boni


Kenya topographic map
Kenya topographic map

Miltariga dalka Kenya ayaa axaddii shalay ku amray dadka ku nool hareeraha keynta Boni ee ku teedsan xeebaha Kenya inay ka fogaadaan halkaas muddo 48 saacadood ah.

Amarkan ka soo baxay ciidamada Kenya ayaa lagu sheegay inay duqeyn xooggan ku qaadi doonaan deegaanka, si ey uga sifeeyaan maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab oo halkaas ku dhuumaaleysta, weerarana kaga qaada gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Hadaba Maxey tahay keyntan Booni ee ay Al-Shabab ku dhuumaaleystaan, su’aashaa iyo kuwo kale ayaa wariyeheenna Sahra Cabdi Axmed ay weydiisay Professor. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ah khabiir ka fallooda arirmaha Geeska Afrika, kuna sugan Nairobi.

Wareysi: Prof. Cabdiwahaab
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:44 0:00

XS
SM
MD
LG