Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Manchester United oo dib ula saxiixaneysa Ibrahimović


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la filayaa inay toddobaadkan hehsiis cusub la saxiixato weeraryahan Zlatan Ibrahimović, oo hadda aan wax koox ah u cayaarin.

Xiddigan 35 jirka ah, ayaa sanadii tagtay u cayaaray United, hase yeeshee waxaa dhaawac xooggan uu kasoo gaaray jilibka, intii ay socotay cayaartii Europa League ee ay la cayaareen naadiga Anderlecht.

Ibrahimović ayaa la filayey inuu garoomada ka maqnaado illaa sanadda 2018, hase yeeshee waxaa lagu warramay inuu dhaawaciisa usoo bogsanayo si ka wanaagsan sidii la filayey.

Heshiiska cusub ee United ay dooneyso inay siiso xiddigan ayaa la doonayaa in deg deg loo dhameystiro, ayada oo suuqa kala iibsiga cayaartoyda uu xirmayo 31-ka August.

Manchester United ayaa kadib dhaawaca Ibrahimović waxay soo iibsatay weeraryahan Romelu Lukaku oo qaatay lambarkii 9-aad ee uu xiran jiran Ibrahimović, hase yeeshee laacibka reer Sweden ayaa la filayaa inuu qaato lambarka 10-aad haddii uu dib ugu soo biiro United.

XS
SM
MD
LG