Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Monaco oo Taariikh Cusub u Dhigtay Horyaalka France


Les joueurs de Monaco jubilent après le troisième but de leur équipe par Valère lors du match de quart de finale de la Ligue des champions entre Monaco et Dortmund au stade Louis II à Monaco, 19 avril 2017.
Les joueurs de Monaco jubilent après le troisième but de leur équipe par Valère lors du match de quart de finale de la Ligue des champions entre Monaco et Dortmund au stade Louis II à Monaco, 19 avril 2017.

Kooxda difaacaneysa horyaalnimada dalka Faransiiska ee Monaco ayaa noqotay naadigi ugu horeeyey oo 15 kulan oo xiriir ah oo ka tirsan horyaalka dalkaasi badisa, kadib marki ay xalay 1-0 uga badiyeen Metz.

Goolka kaliyah ee ay ku badisay Monaco waxaa daqiiqadii 78-aad dhaliyey weeraryahan Radamel Falcao oo ka faa,ideystay kubad uu u baasay Rachid Ghezzal.

Monaco ayaa xilli ciyaareedki hore ku dhameystay iyada oo wadata 12 guul oo xiriir ah kulamadeedi ugu danbeeyey ee horyaalka France. Waxay ku xejisay guulihi ay labadi todobaad ee lasoo dhaafay ka gaartay kooxaha Toulouse iyo Dijon halka Jimcihiina ay garaacday Metz.

Kooxda Bordeaux ayaa horay u heysatay rikoodhkani kadib marki ay isku xiriirisay 14 kulan oo guulo ah sanadki 2009.

Kulanki shalay Monaco waxaa ka maqnaa xidigeeda weerarka ka ciyaara Mbappe kaasoo u dhaw inuu ku biiro naadiga Paris Saint-Garmain maalmaha soo socda.

XS
SM
MD
LG