Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mourinho oo weli aan ka rajo dhigin saxiixa Perisic


Ivan Perisic
Ivan Perisic

Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa weli doonaya in kooxda uu kusoo biirayo xiddiga kooxda Inter Milan garabka uga cayaara ee Ivan Perisic.

Macallin Mourinho oo la sheegay inuu ku qnaacsan yahay xaaladda kooxdiisa, kadib markii ay horyaalka ku furatay 4-0 ay kaga adkaatay West Ham, ayaa rumeysan inuu u baahan yahay cayaaryahan kale oo garabka ka cayaara.

Perisic ayaa awood u leh inuu ka cayaaro labada garb ee midig iyo bdixi ee weerarka.

Kooxaha Manchester United iyo Inter Milan, ayaa horey isugu fahmi waayey qiimaha cayaaryahanka u dhashay dalak Croatia, ayada oo Inter ay ku adkeysaneyso inaysan ku iibin doonin wax ka yar 48 milyan oo Gini. Manchester United ayaa ku yaboohday 39 milyan oo gini.

Wada-hadallo dheeri ah ayaa la rumeysan yahay in maalmaha soo socda ay dhex mari doonaan labada koox, ayada oo laba toddobaad wax ka yar ay ka hartay xilliga uu xirmayo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

XS
SM
MD
LG