Isku xirrada

War Deg-Deg ah

West Brom oo diiday yaboohii Man City ee Jonny Evans


Jonny Evans
Jonny Evans

Kooxda kubadda cagta West Brom ayaa diiday yabooh kooxda Manchester City ay dooneysay inay kula saxiixato daafaca kooxdaas Jonny Evans.

Macallinka kooxdas Tony Pulis oo manata shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in naadiga Baggies uusan saarnayn wax cadaadis ah oo ay ku iibiso laacibkaas.

City ayaa la rumeysan yahay inay ku yaboohday 18 milyan oo gini oo ay ku dooneyso daaficii hore ee kooxda Manchester United.

“Man City waxay noo soo gudbisay yabooh aan ku gacan seernay” ayuu yiri Pulis.

Pulis ayaa sheegay inaysan dooneyn kooxdiisa inay iska iibiso Evans, hase yeeshee haddii qiimuhu sax yahay ay iibin doonaan.

“Ciyaaryahan kasta waa iib, haddii qiimo sax ah loo soo bandhigo, ma dhihi karno lacag kasta ma qaadaneyno. Koox West Bro moo kale ah ma diidi karto lacag caqli ka bax ah hadidi loo yabooho” ayuu yiri macallin Pulis.

XS
SM
MD
LG