Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faah-faahinta Kulamadi Xalay ee Isreeb-reebka Europa League


Waxaa xalay fiidkii dhacay lukta koowaad ee ciyaaraha kala sooca ah ee loogu soo baxayo koobka Europa League oo ah koobka labaad ee ugu xiisaha badan Qaaradda Yurub.

Kooxaha waaweyn ee kulamadi xalay badiyey waxaa ka mid ah naadiga AC Milan ee dalka Talyaaniga oo 6-0 ku dardartay kooxda Shkendija ee dhisan dalka Macedonia.

Waxay aheyd guushii ugu weyneyd oo ay Milan kasoo hoyso tartan ka mid ah kuwa Yurub tan iyo sanadki 1963-ki markaasoo ay 8-0 ku xaaqday kooxda Union Luxembourg.

Milan ayaa qeybti hore ee ciyaarta ku dhameysatay iyada oo ku hogaamineysa 3-0, goolashaasi waxaa laba ka mid ah saxiixay weeraryahankeeda cusub Andre Silva oo bishii July ay kasoo iibsatay kooxda Porto ee dalka Portugal. Goolka kalana waxaa dhakiyey kabtanki hore Riccardo Montolivo oo sidoo kalana dhaliyey gookiisii labaad qeybti danbe ee ciyaarya.

Goolasha kalana waxaa kala qeybsaday Fabio Borini iyo Luca Antonelli oo ka ciyaara dadabka bidix ee daafaca.

Kooxaha kale ee waaweyn ee xalay badiyey waxaa ka mid ah naadiga Everton ee dalka Igiriiska oo 2-0 ku garaacday Hajduk ee dalka Croatia.

Ciyaartan ayaa inti ay socotay waxaa hareeyey rabshado kadib marki taageerayaasha Hajduk ay walxo kusoo tuureen garoonka, taasoo sababtay in ciyaarta la joojiyo qaddar daqiiqada ah.

Labada gool ee ay Everton ku badisay waxaa kala dhaliyey Michael Keane iyo Idrissa Gueye.

*Hadii Milan iyo Eveeton badiyeen, waxaa ay guuldarro soo xareystay kooxda Ajax ee dalka Holland taasoo 1-0 ku khasaartay Rosenborg ee dalka Norway.

Goolka kaliyah ee Rosenborg ku badisay waxaa daqiiqadii 77-aad ee ciyaarta dhaliyey Samuel Adegbenro.

Ciyaaraha kalana, FK Vardar Skopje waxay 2-0 ku garaacday Fenerbahce. Athletic Bilbao waxay 3-2 uga badisay Panathinaikos.

Viktoria Plzen ayaa 3 - 1 ugu awood sheegatay AEK Larnaca. Domzale iyo Marseille waxay isku mari waayeen 1 – 1. Maritimo iyo Dynamo Kyiv ayaa ciyaartoodii kusoo dhamaatay bareejo 0-0 ah, halka Dinamo Zagreb iyo Skenderbeu ay kala qeybsadeen bar-barro 1-1 ah.

XS
SM
MD
LG