Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Suarez oo Afar Toddobaad Garoomada Ka Maqnaan Doona


Luiz Suarez
Luiz Suarez

Barcelona oo guul darro xanuun badan oo koobka Spanish Super Cup-ka kala kulantay kooxda Real Madrid, ayaa mar kale waxa soo wajahay xaalad aan wanaagsaneyn, kadib markii uu dhaawac soo gaarey ciyaar yahankooda weerarka uga ciyaara ee Luis Suarez, kaas oo afar toddobaad ka maqnaan doona garoomada.

Xulka kubadda cagta Uruguay, ayaa war uu soo saarey ku sheegey in Suarez uu dhaawac jilibka ka soo gaaray, islamarkaasina uu garoomada kubadda cagta ka maqnaan doono illaa iyo shan toddobaad, balse goor dambe ayay kooxda Barcelona iyaduna sheegtay in uu ciyaar-yahankaasi uu maqnaan doono afar toddobaad (www.fcbarcelona.com).

30 jirka u ciyaara Barcelona, ayaa seegi doona kulamada ay Barcelona dheeli doonta ee Real Betis oo ay Axadda la dheeli doonto, Alaves, Espanyol iyo Getafe.

Waxa uu sidoo kale xulka dalkiisa ka maqnaan doona kulamada is reeb reebka koobka adduunka ee uu dalkiisa la cayaari doono dalalka Argentina iyo Paraguay. Waxa sidoo kale laga cabsi qabaa in uu seego kulanka ugu horeeya ee Barcelona ay Champions League dheeli doonta bisha soo socota.

Daafaca kooxdaasi Gerard Pique, ayaa sidoo kale shaki laga muujinaya in safan karo kulanka Axadda ay Barcelona cayaari doonto.

XS
SM
MD
LG