Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Liverpool oo beenisay in ay Coutinho ka iibineyso Barcelona


Philippe Coutinho
Philippe Coutinho

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ku adkeystay inaysan waxba iska beddelin mustaqbalka cayaarayahan Coutinho ee kooxda Liverpool.

Hadalkiisa ayaa yimid kadib markii maareeyaha guud ee kooxda Barcelona Josep Segura uu shaaca ka qaaday inay ku dhow yihiin inay soo afjaraan heshiis ay kula soo saxiixanayaan laacibka reer Brazil.

“Ma aqaan sababta ay dadka u sheegayaan wixii ay dhaheen. Ninkaas xitaa ma aqaan, weligeyna lama kulmin” ayuu yiri macallin Klopp oo tixraacayey hadalka Segura.

“Horey ayaan u sheegnay wixii ay ahayd inaan dhahno, mana jiro war kale oo cusub. Cidna iima sheegin wax ka duwan go’aanka kooxda ee ah inaan la iibin Coutinho” ayuu yiri Klopp.

Barcelona ayaa waxaa horey looga diiday laba dalab oo ay kooxda Liverpool u gudbisay oo ay ku dooneyso weeraryahankan, waxaana kii ugu dambeeyey uu ahaa 90 milyan oo gini.

Coutinho, ayaa dhinaciisana kooxda Liverpool u gudbiyey codsi qoran oo uu kaga dalbaday in laga iibiyo Barcelona, kaasi oo kooxda ay ku gacan seertay.

XS
SM
MD
LG