Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Blaise Matuidi oo ku biiraya kooxda Juventus


Matuidi
Matuidi

Cayaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Paris Saint-Germain, Blaise Matuidi ayaa maanta maraya qeybta labaad ee tijaabada caafimaadka kooxda Juventus, oo la filayo inuu ku biiro.

Warkan ayaa waxa ay kooxda Juventus maanta ku shaacisay website-keeda (www.juventus.com).

Xiddiga caalamiga ah ee xulka Farnasiiska u saftay 58-da jeer, ayaa la filayaa in naadiga difaacanaya horyaalka Serie A uu ugu biro 23.45 milyan oo dollar, iyo lacag kale oo dheeri ah oo ku xirnaan doonta guulaha uu la gaaro.

30 jirkan ayaa kooxda PSG waxa uu sanaddii 2011 uga soo biiray kooxda ay ka wada dhisan yihiin horyaalka Ligue 1 ee Saint-Etienne, waxaana uu u saftay 295 kulan.

XS
SM
MD
LG