Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diego Costa: Dib uguma soo laaban doono Chelsea


Diego Costa
Diego Costa

Cayaaryahan Diego Costa ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuusan dib ugu soo laaban doonin kooxda Chelsea, islamarkaana uu doonayo inuu ku laabto kooxdiisa hore ee Atletico Madrid.

Costa ayaa waxa uu ku sugan yahay dalka Brazil, halkaasi oo uu guri ku leeyahay, waxaana uu ku hanjabay inuu sii joogi doono, inta uu ku soo laaban lahaa magaalada London.

“Inta uu ka dhammaado qandaraaskayga halkan ayaaan joogayaa, kadibna si bilaash ah ayaan ku baxayaa” ayuu yiri Costa.

“Meesha xigta ee aan aadayo waa la go’aamiyey, waa inaan dib ugu laabtaa Atletico Madrid” ayuu yiri cayaaryahanka xulka qaranka Spain.

Kooxda Chelsea weli jawaab kama aysan bixin hadalka cusub ee kasoo yeeray Diego Costa.

Sida la rumeysan yahay ma jiro wax rajo ah oo laga qabo inuu Costa dib uga hoos cayaaro macalin Conte, oo dhowr bilood ka hor fariin qoraal mobile ugu sheegay “inuusan ka mid ah qorshaha kooxda ee xilli cayaareedkan”.

Si kastaba Chelsea ayaa dooneysa in 28 jirkan uu ixtiraamo heshiiska uu kooxda kula jiro.

XS
SM
MD
LG