Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland oo la Safatay Xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka


Abdiweli Gaas
Abdiweli Gaas

Maamul goboleedka Puntland ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay inay go’aansadeen inay la jirsadaan Sacuudiga iyo Imaaraddka, iyagoo ku taageeraya muranka kala dhaxeeya dalka Qadar.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxtooyada ee Puntland oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay VOA-da ayaa lagu yiri “Waxaanu garowsanay in mushkiladda ka taagan Khaliijka Carabta aanu xalkeeda dhoweyn, saameyn dhinaca amniga iyo dhaqaalaha ahna ay ku yeelan karto Somalia, sidaa daraadeedna ay Puntland aaminsantahay in mowqifkeeda uu cadyahay oo ay ku mowqif tahay saaxibadeeda Sacuudiga iyo Imaaraadka”

Puntland ayaa u sababeysay go’aankan in muddo dheer ay iskaashi dhinaca dhaqaalaha, ammaanka iyo horumarinta ah la laheyd Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Qoraalkan ayaa lagu yiri in Puntland ay ku boorineyso dowladda federaalka ah inay beddesho mowqifkii dhexdhexaadnimo ee ay ka qaadatay murankan, kaasoo baa lagu yiri qoraalka “haddii aan la beddelin saameyn fog ayuu ku yeelan kara shacabka Soomaaliyeed.”

XS
SM
MD
LG