Qaar ka mid ah ganacsatada wax kala soo dega dekedda magaalada Berbera ayaa ka cawday adeegga wakhtigan ee dekeddaas.
Ganacsatada ayaa waxa ay sheegeen in aanay shaqadii dekeddu kala soconin, taasina ay keentay in alaab badan oo dekedda timi ay wali ku xanniban tahay.
Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa arrimahaasi ka waraystay Wasiirka Ganacsiga Somaliland Cumar Shucayb Maxamed, waxaanu ugu horrayn wax ka weydiiyay cabashada ganacsatada.