Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay Soomaaliya ka Baran Kartaa Doorashada Kenya?


Kenya topographic map
Kenya topographic map

Muddo todobaad ah ayaa laga joogaa markii ay doorasho ka qabsoontay dalka Kenya, oo madaxweyne cusub soo doortay.

Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhintay dibad baxyo looga soo horjeeday dib u doorashada madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Inkastoo mucaradku ay ka murmeen natiijada, haddana kormeerayaashii caalamiga ahaa ee doorashada eegeysay waxey ku tilmaameen mid si xalaal ah u dhacday.

Soomaaliya waxey ka mid tahay wadamada Africa ee taariikh ahaan ku faana inuu yahay dalkii ugu horeeyay ee labada madaxweyne ay si dimoqraadi ah oo nabdoon xukunka ula kala wareegaan.

Doorashada Kenya ee dhowaan dhacday waxey ku soo beegantay iyadoo Somalia 2020-ka loo madlan yahay in la qabto doorasho qof iyo cod ah.

Aqoonyahanno kala duwan ayaa ka hadlay casharada ay Soomaaliya ka baran karto doorashada Kenya.

Wariyeheenna Khadar Maxamud Xareed ayaa warbixintan ka soo diray Nairobi.

Warbixin: Khadar Maxamuud Xareed
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:03 0:00

XS
SM
MD
LG