Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Arsenal oo aan horumar ka sameyn wada-hadallada Sanchez


Alexis Sanchez
Alexis Sanchez

Tababaraha kooxda Arsenal, Arsene Wenger ayaa sheegay in weli wax horumar ah aan laga sameyn wada-hadallada kooxda ay ku dooneyso inay heshiis cusub uga saxiixdo Alexis Sanchez.

Sanchez oo 28 jir ah, ayaa qandaraaska uu kooxda garoonka Emirates kula jiro waxaa ka haray 12 bilood.

“Waa cayaaryahan guda galaya sanadkii ugu dambeeyey qandaraaskiisa, welina wax horumar ah kama aynaan sameyn arrintaas” ayuu yiri macallinka Arsenal oo shir jaraa’id ku qabtay London.

Arsene Wenger ayaa muujiyey inay u badan tahay in xiddigan u dhashay dalka Chile uu si bilaash ah kooxda kaga tago xagaaga dambe.

“Ma ahan arrin wanaagsan marka la eego dhaqaale ahaan, waxayna u baahan tahay dulqaad” ayuu yiri Wenger oo ka hadlaya in kooxda kulumin doonto cayaaryahanka si bilaash ah.

Arsenal ayaa ku adkeesaneysa in xiddigan uusan iib ahayn, inkasta oo lala xiriirnayo kooxaha Manchester City iyo Paris Saint Germain.

XS
SM
MD
LG