Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iniesta oo mar kale uu dhaawac soo gaaray


Iniesta
Iniesta

Cayaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Barcelona Andres Iniesta ayaa seegi doona kulanka labaad ee cayaarta Super Cup-ka dalka Spain oo kooxdiisa caawa ay la dheeli doonto kooxda Real Madrid, kadib dhaawac ka gaaray bowdada.

Barcelona ayaa sheegtay in kabtanka kooxda uu seegi doono kulanka, kadib markii uu awoodi waayey in maanta uu tababarka la qato saaxiibadiisa kale ee kooxda, ka hor kulanka caawa ka dhacaya garoonka Santiago Bernabeu.

Real Madrid ayaa lugtii hore ee cayaarta ku badisay 3-1, waxaana Barcelona looga fadhiyaa inay natiijadaas mid ka wanaagsan gaarto, si ay u hanato koobka.

Iniesta oo 33 jir ah ayaa waxaa xilli cayaareedkii lasoo dhaafay la haray dhaawacyo joogto ah, isaga oo kulamo badan seegay.

Barcelona ma aysan shaacin xilliga uu Iniesta dib ugu soo laaban doono garoomada, waxaana suurta-gal ah inuu seego billowga horyaalka La Liga, oo axadda kooxdiisa ay marti-gelineyso Real Batis.

XS
SM
MD
LG