Isku xirrada

Cabdiraxman Jaamac Barre oo Geeriyooday


Imperial, California

Aalla ha u naxariistee waxaa xalay magaalada San Diego ee gobolka California ee dalkan Mareykanka ku geeriyooday wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdiraxman Jamac Barre.

Geerida Cabdiraxman Jamac Barre ayaa waxaa VOA-da u xaqiijiyey wiilka uu adeerka u yahay Diriye Maxamed Siyad Barre oo hadda ku sugan gobolka Virginia. Marxuumka ayaa waayadan danbe xanuunsanayey.

Cadiraxman Jamac Barre ayey da,diisu aheyd 79 sano. Wuxuu xilal kasoo qabtay dowladii kacaanka, isaga oo soo noqday ra’isulwasaare ku xigeen, wasiirka maaliyadda iyo wasiirka arrimaha dibadda.

Wuxuu ifka uga tagay 15 caruur ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho.

Ggeerida marxuumka iyo taariikhdiisa waxa uu ka yaqaan, ayaan ka wareysanay Danjire Cabdikariin Aw Cali, oo ahaa safiirki u danbeeyey ee Washington u fadhiyay dowladda milatariga ee Soomaaliya.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG