Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda oo soo Dhoweysay Mukhtaar Roobow


Roobow
Roobow

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay soo dhoweeneyso, wada-hadalna kula jirto hoggaamiye ku xigeenkii hore ee kooxda Al-Shabaab Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur, oo dhowaan dowladda isku soo dhiibay.

“Siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa aasaas u ah in shakhsigii ka waantooba falalka argagaxisnimada ah, doonayana inuu ka qeyb qaato nabadeynta dalka in lasoo dhaweeyo, Sidaas darteed, Dowlada Federaalka Soomaaliya waxey soo dhaweyneysaa Mukhtar Roobow Cali oo Muqdisho jooga, xaqiijiyeyna inuu ka baxay kooxda Al-Shabaab.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda.

Hadalka dowladda ayaa yimid, saacado kadib markii Roobow oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, uu sheegay inuu Al-Shabab ka baxay shan sano iyo toddoba bilood ka hor.

Dowladda waxa ay sidoo kale sheegtay in “iyada oo laga duulayo cafiskii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ay dowladdu ballanqaadeyso inay soo dhoweyneyso cid walba oo ka tanaasusha fikirka Al-Shabaab”

Dowladda federaalku waxay sheegtay inay u mahadcelineyso cid walba oo ka qeybqaadatay, kaalinna ka geysatay wadahadalka lala wado Roobow.

Dhinaca kalena hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa sheegtay in sharciga caalamiga ah uu mamnuucayo in cafis loo fidiyo dadka galay xadgudubyada culus, sida ay ku sheegtay qoraal kasoo baxay hay’adda.

Human Rights Watch waxay sheegtay in Mukhtaar Roobow uu door hoggaamineed ku lahaa Al-Shabaab xilli ay ururkaasi gaysteen weerarro aan loo meel dayin oo loo gaystay rayidka, iyo carruur xoog lagu qoray askarta iyo xadgudubyo kale.

Waxay ugu baaqday dawladda Soomaaliya inay baadho doorkii Roobow si ayey tidhi kuwa mas’uulka ka ah xadgudubyada aysan uga baxsanin in la ciqaabo.

Falastiin Axmed Iimaan ayaa arrintan ka waraysatay wasiirka warfaafinta ee dawladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan.

Wareysi: Injineer Yariisow
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:16 0:00

XS
SM
MD
LG