Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Real oo racfaan ka qaadaneysa ganaaxa Ronaldo


Ronaldo
Ronaldo

Tababaraha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan calaamaddii labaad ee jaalle ee Cirstiano Ronaldo la siiyey cayaartii kooxdiisa ay xalay 3-1 kaga adkaatay kooxda Barcelona.

Ronaldo ayaa cayaartaasi dheelay 24 daqiiqo kadib markii lasoo geliyey qeybtii dambe ee cayaarta, waxaana uu dhaliyey mid ka mid ah goolashii Real Madrid ka hor inta aan laga saarin, ayada oo lagu eedeeyey inuu dhulka isku tuuray si rogoore loo siiyo.

“Waxaan cayaarnay kulan xiiso badan, hase yeeshee waxaan ka careysnahay in Ronaldo laga saaray cayaarta” ayuu shir jaraa’id ku sheegay Zidane.

“Qaladkii Ronaldo lagu galay, waxaa macquul ah inuusan ahayn rigoore, hase yeeshee in calaamad casaan la siiyo waa mid aad u adag. Waxaan isku dayeynaa inaan racfaan qaadano, sii uu lugta labaad u cayaaro arbacada” ayuu yiri Zidane.

Lugta labaad ee Super Cup-ka dalka Spain ayaa ka dhici doonta garoonka kooxda Real Madrid ee Santiago Bernabéu.

XS
SM
MD
LG