Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warkii Ugu Dambeeyay ee Xaaladda Deegaanka Abal ee Bakool


Sidaad idaacadaheennii shalay baxay qaarkod aad ku maqasheen, waxaa dagaallo goos goos ah maalmahanba ka soconayay deegaanka Abal ee gobolka Bakool, kuwaas oo u dhaxeeyay maleeshiyaad kala taabacsan al-Shabaab iyo kuwa kale oo uu hoggaaminayo amiir ku xigeenkii hore ee kooxdaasi Mukhtaar Roobow Abuu-Mansuur.

Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegey in ay dagaalkaasi ka qeyb galeen ayna ceyriyeen kooxdii al-Shababa ee soo weerartay Mukhtaar Roobow.

Jamaal Axmed Cismaan ayaa qadka telefoonka kula xiriirey wasiirka amniga Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed. Waxana uu weydiiyay marka hore xaaladda deegaannadii lagu dagaallamay.

Wasiir
please wait
Embed
Wasiir
by VOA

No media source currently available

0:00 0:05:52 0:00

XS
SM
MD
LG