Kooxda Liverpool ee dalka Ingiriiska ayaa diiday dalab dhan 100 milyan oo yuro oo ay usoo bandhigtay kooxda Barcelona, taasoo ay kaga dalbatay ciyaaryahan Philippe Coutinho.
Waa marki labaad oo ay Barcelona ku hungoobeyso helitaanka xidigaan u dhashay dalka Brazil. Dhawaan ayey aheyd marki ay Barca miiska u saartay Liverpool aduun lacageed oo gaaraya 85m oo yuro.
Liverpool ayaa ku adkeysaneysa inuusan iib ka aheyn xidigaan 25 jirka ah. Coutinho ayaa ah laacibka ugu wanaagsan ee xilligaan u ciyaara Liverpool, wuxuu kooxda kaga soo biiray naadiga Inter Milan sanadki 2013-ki.
Barcelona ayaa si aad ah ugu baahan laacib u buuxiya booski uu banneeyey xidigoodii hore ee reer Brazil Neymar, kaasoo dhawaan lacag aanan caqli gal aheyn oo gaareysa 222 milyan oo yuro ay ku iibsatay kooxda Paris St-Germain ee dalka France.
WASHINGTON. DC —