Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Arsenal: Sanchez oo laba kulan seegi doona


Arsenal's Alexis Sanchez celebrates after scoring a goal against Borussia Dortmund
Arsenal's Alexis Sanchez celebrates after scoring a goal against Borussia Dortmund

Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal Arsene Wenger ayaa sheegay in weeraryahan Alexis Sanchez uu seegi doono labada kulan ee ugu horreysa horyaalka Premier League oo furmaya maalinta jimcaha, sababo la xiriira xanuun caloosha ah.

Wenger ayaa sheegay in xiddigan u dhashay dalka Chile uu seegi doono kulanka jimcaha ay kaga hortagayaan kooxda Leicester City, iyo kulanka ay 19-ka bishan ay la cayaari doonaan kooxda Stoke City.

“Xanuun yar ayaa caloosha ka gaaray, waxaana la marsiiyey tijaabo taas muujisay axaddii” ayuu yiri Wenger oo qabtay shir jaraa’id.

Sanchez oo ahaa xiddigii ugu gool dhaliska badnaa kooxda Arsenal xilli cayaareedkii tagay oo uu dhaliyey 24 gool ayaa dhowaanahan lala xiriirinayey inuu ku biirayo kooxda PSG ee dalka Faransiiska, hase yeeshee Wenger ayaa ku adkeystay in xiddigan uu joogi doono garoonka Emirates Stadium.

Wenger waxa uu sidoo kale sheegay in kooxda Arsenal aysan heli wax yabooh ah oo looga doonayo cayaaryahankan.

XS
SM
MD
LG