Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Real Madrid oo ku guuleysatay UEFA Super Cup


Real Madrid
Real Madrid

Kooxda Real Madrid ee dalka Spain ayaa ku guuleysatay koobka Uefa Super Cup kadib marki ay xalay 2-1 ku garaacday naadiga Manchester United ee dalka Britain, ciyaar ka dhacday magaalada Skopje ee caasimadda dalka Macedona.

Real oo aad ugu gacan sarreysay inta badan ciyaarta ayaa la hormartay goolka waxaana u dhaliyey Casemiro daqiiqadii 24-aad, goolka labaadna wuxuu yimid daqiiqadii 52-aad ee gelinki danbe ee ciyaarta, waxaa saxiixay Isco.

Manchester United oo qeybti labaad ee ciyaarta sameysay fursado aanan sidaasi u badneyn ayaa heshay gool, waxaa u dhaliyey weeraryahankeeda cusub Romelu Lukaku kaasoo shabaqa ku dharbaxay darbo laga soo tufay Marcus Rashford.

Guusha ay Real Madrid kasoo hoysay ciyaarti xalay ayaa ka dhigan in ay noqotay kooxdi ugu horeysay oo laba jeer oo isku xigta hanato koobka kooxaha horyaalada Yurub iyo kan Super League-ga Yurub tan iyo sanadki 1990-kii, markaas oo ay AC Milan isku xejisay laba jeer hanashada koobka tartamada Yurub iyo kan Super Cup-ka Yurub, sannadihii 1989 iyo 1990.

Koobka Super Cup-ka Yurub (Uefa Super Cup) ayaa waxaa sanad walbaa hal jeer ku tartama kooxda kusoo guuleysata koobka Kooxaha Horyaalada Yurub (Uefa Champions League) iyo kooxdi qaadda koobka Yuruba Liig (Europa League).

Real Madrid waxay soo qaaday Uefa Champions League halka Manchester United ay kusoo guuleysatay Europa League xilli ciyaareedki lasoo dhaafay.
Waa marki afraad oo ay Real Madrid ku guuleysaneyso koobkan, kaliyah waxaa ka badan kooxaha AC Milan iyo Barcelona oo min shan jeer horay ugu soo guuleystay.

XS
SM
MD
LG