Mudanayaasha Golaha wakiillada Somaliland ayaa ku kala qaybsamay khilaaf ka dhashay doorashada guddoomiyaha ee golahaas oo shalay ka dhacday Hargeysa.
Khilafakan ayaa yimid ka dib markii murashaxii la tartamayay guddoomiyaha cusub oo hore u sheegay inuu ku qancay natiijada uu mar kale ka laabtay aqbalaaddaas.
Xukuumadda oo mar dhawayd ka hadashay ayaa iyana sheegtay inay Baashe Maxamed Faarax u aqoonsan tahay inuu yahay guddoomiyaha sharciga ah.
Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.