Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Xooggan oo ka Dhacay Muqdisho


Qarax (Sawir hore)
Qarax (Sawir hore)

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama.

Goobjoogayaal ayaa idaacadda VOA u sheegay in qaraxa uu ka dhacay inta u dhaxaysa Hoteelka Ambassador iyo garaashka Xaaji Baasto.

Warar horudhac ah ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay baabuur. Ilaa haatan ma cadda in qaraxu ahaa ismiidaamin iyo in kale.

Goobjoogayaasha ayaa VOA u sheegay inay jirto dhimashada illaa iyo afar qof iyo tiro kale oo dhaawac ah. Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in dhimashu ay tahay laba qof.

XS
SM
MD
LG