Maleeshiyada ururka Al-Shabab ayaa weerar gaadmo ah ku qaadday kolonyo ciidamada AMISOM oo ku sii jeeday magaalada Buula Mareer. Weerarkan ayaa ka dhacay meel aan ka figayn tuulada Golweyn, waxaana wararku sheegayaan inuu jiror khasaare soo gaadhay labada dhinac. Al-Shabab ayaa sheegatay inay dileen 39 askari oo kuwa AMISOM ah, hase yeeshee saraakiisha Soomaalidu waxay sheegeen in ugu yaraan 11 askari oo midkood Soomaali yahay ay dhinteen.
Haaruun Macruuf ayaa weerarkan ka waraystay Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Shabellada Hoose Cali Nuur Maxamed.