Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Banaanbax Maanta ka Dhacay Muqdisho


Banaanbax ka dhacay Muqdisho (Sawir hore)
Banaanbax ka dhacay Muqdisho (Sawir hore)

Banaanbax looga soo horjeeday shaqaaqadii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho oo lagu diley illaa lix askari oo uu ku jiray taliye ku xigeenkii hore ee Nabadsugida gobolka Banaadir, Ciise Jiijiile ayaa khamiista maanta ah ka dhacay qeybo ka mid ah Waddada Maka Al- Mukarama.

Dadweyne careysan ayaa dhagaxaan ku jaray wadada muddo kooban, waxayna gubeen taayaro, ka hor inta aaney la hadlin saraakiil ka tirsan dowladda oo ku qanciyay iney dib u laabtaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa guddi u saartay shaqaaqadii shalay dhacday oo dhex martay ciidmada amniga Soomaaliya, waxana xabsiga la dhigay dhammaan ciidamadii ku lugta lahaa iska hor imaadka.

Wasiirka gaashaandhiga dowladda Federalka ee Somalia Cabdirashiid Cabdulaahi Maxamed oo VOA la hadlay ayaa sheegay in isku dhacaasi uu ahaa shil dhacay.

XS
SM
MD
LG