Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Kenya oo Weeraray Degaanka Lagta


Ciidamada Kenya
Ciidamada Kenya

Ciidamada Kenya ayaa la sheegayaa inay saaka weerareen degaanka lagu magacaabo Lagta oo u dhexeeya Kulbiyow iyo Raaskaambooni ee gobolka Jubbada Hoose, sida ay VOA u sheegene dadka degaanka.

Weerarkan ayaa la sheegay in ciidanku u adeegsadeen taangiyo, waxaana la sheegay inay rasaas xooggan is weydaarsadeen maleeshiyada Al-Shabab oo ku sugan degaanka Lagta.

Ilaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan, waxaana dadka degaanku sheegayaan in weli is horfadhi ka jiro degaankaasi.

Dhinaca kale ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay dhaqdhaqaaq milatari ka wadaan inta u dhaxaysan Yoontooy iyo Buuloguduud.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ciidanka ay kusii jeedaan degaanka Guulguduud, halkaasi oo muddo bilow ah ay ciidanku marna tagaan marna ka baxaan.

Mid ka mid ah baabuurta ciidanka ayaa la sheegay in qarax lala eegtay inkastoo aysan caddayn in khasaare ka dhashay.

XS
SM
MD
LG