Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faah-faahinta Maxaabiista Xalay Ka Dagtay Muqdisho


Qaar ka mid ah maxaabiista laga soo daayey Itoobiya oo soo gaaray Xamar
Qaar ka mid ah maxaabiista laga soo daayey Itoobiya oo soo gaaray Xamar

Dowladda Soomaaliya faah-faahisay maxaabiis laga soo daayey dalka Itoobiya oo xalay fiidkii ka dagay garoonka diyaaradaha caalamiga ah Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Maxaabiistan oo gaareysay 114 ayaa dhoola cadeynayey marki ay kasoo dagayeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Adan Cadde ee magaalada Muqdisho, halka qaar kalana inta ay jilba jabsadeen dhunkadeen ciidda hooyo.

Qaar ka mid ah waalidiinta iyo qaraabada maxaabiistan oo eraboorka ku sugayey ayaa farxad darteed la ooyey. Sida ay sheegeen saraakiisha Dowlada, muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa ugu jiray xabsiyo ku yaalay Itoobiya danbiyo kala duwan.

Warbixintaan waxaa Muqdisho kasoo diray Xasankaafi Qoyste.

Dhageyso warbixinta Maxaabiista
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:47 0:00


XS
SM
MD
LG