Hal cunug ayaa ku dhintay, 17 qof oo kale oo shan ka mid ah ay caruur yihiinna wey ku dhaawacmeen ka dib markii uu ku qarxay bam iyagoo ku suggan xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah, oo ay Abaartii Soomaaliya ku dhuftay ka dhameysay xoolihii, oo ku taala deegaanka Arri Cadeeye ee duleedka Waqooyi ee magaalada Laascaanood.
Wariyeheenna Cabdikarrim Cabdullahi Bille (Olol) ayaa dhacdadan ka wareystay Taliyaha Ciidamada booliska ee Sool, Khaliif Maxamed Cali.