Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Farmaajo: Ha la Joojiyo Dagaalka Xeraale


Madaxweyne Farmaajo
Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda deegaanka Xeeraale ee Gobolka Gal-guduud, oo dad badan ay ku dhinteen.

Dagaalkan oo u dhaxeeya ciidamo ka tirsan ururka Ahlu-Sunna iyo dadka deegaanka, ayaa waxaa illaa hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen 10 qof, tiro kalena ay dhaawacmeen.

Madaxwayne Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadayso tallaabo kasta oo lagu joojinayo colaaddan,waxa uuna intaas raaciyey in deeganadaas loo dirayo guddi soo baara sababaha keenay dagaalkaas iyo dhibaatada ka dhalatay.

“Dowladda indhaha kama fiirsaneeyso, umana dulqaadan doonto in ay colaadda sii socoto, dadkeenna aan waxba galabsanna lagu sii dhibaateeyo. Deegaanka colaaddu ka dhacday waxaan u dirayaa guddi xaqiiqo raadin ah kuwaas oo soo baara sababaha dhabta ah ee kiciyay colaadda.” Ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Maamulka Galmudug- ayaa dagaalladan ku eedeyay inay ka danbeeyaan ururka Ahlu-Sunan Wal-Jamaaca ee ka taliya Dhuusa-mareeb.

XS
SM
MD
LG