Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cirro oo Sheegay in la Xiray Taageerayaasha Waddani


Cabdiraxmaan Cirro
Cabdiraxmaan Cirro

Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ahna guddomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa sheegay in xubno ka mid ah taageerayaashooda la xidhay wakhti ay gebogebo ku dhawdahay qaadashada kaadhka codaynta ee gobollada Togdheer iyo Maroodijeex.

Guddoomiyaha oo u waramay VOA ayaa sidoo kale sheegay wakhtiga uu rasmiyan uga degayo xilka golaha wakiillada oo uu hayay muddo ka badan toban sanno.

Guddoomiyuhu oo u waramay weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa ugu horrayn ka hadlaya dadka la xidhay ee xisbigooda.

Wareysi: Cabdiraxmaan Cirro
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:37 0:00

XS
SM
MD
LG