Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Axmed Cabdi oo Xil Sare uga Tartamaya Washington


Gobolka Washington ayaa waxaa ka bilowday doorashooyinka is reeb reebka ee loogu tartamayo kuraasta iyo guddiyada maamula gobolkaasi taasoo dhici doonta bisha November ee sanadkan.

Dadka tartankaasi ku jira waxaa ka mid ah Axmed Ismaaciil Cabdi oo ka mid ah Soomaalida deggan gobolkaasi oo u tarmamaya mid ka mid guddiga 5-ta ah ee maamula garoonka iyo dekedda ee gobolkaasi, isagoo u tartamaya kursiga degaanka King County ee magaalada Seattle ee gobolkaasi.

Axmed waxa uu hadda ka mid yahay guddiga maamula guryaha ay ku nool yihiin qoysaska uu dhaqaalahoodu yar yahay ee Magaalada Seattle ee gobolkaasi.

Caasho Ibrahim ayaa Axmed Ismaciil Cabdi wareysi kala yeelatay tartankan uu ku jiro.

Dhageyso Wareysiga Axmed Cabdi
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:37 0:00

XS
SM
MD
LG