Guddiga Madaxa banaan ee xuduudaha federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu dadaal weyn ugu jiro sidii loo xalin lahaa khilaafaad dhinaca soohdinta ah oo ka dhex taagan qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka iyo maamulka Gobolka Banaadir.
Wariyeheenna Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa arrintan ka wareystay gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha Federaalka Khaliif Cabdikarim Maxamed.