Isku xirrada

Ciidamo Mareykan ah oo Howlgal ka Fuliyey Sh/Hoose


Ciidamo wadajir ah oo Maraykan iyo Soomaali isugu jira ayaa weerar ku qaaday saldhig kooxda al-Shabab ay ku leedahay tuullada Kuunyo-Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa VOA u sheegay in howlgalkaasi oo saddex saacadood socday lagu sii daayay maxaabiis u xirnaa kooxda al-Shabaab.

Dhinaca kale, kooxda al-Shabaab ayaa warbaahintooda ku qoray in weerarkaasi lagu soo qaaday ay fashiliyeen.

Haddaba Falastin Axmed Imaan ayaa howlgalkan ka warreysatay Adam Cumar Madoobe oo guddoomiyaha degmada Baraawe.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG