Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Waxgarad lagu Dilay Qarax ka Dhacay Gaalkacyo


Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya in qarax ka dhacay xaafadda Israac ee magaalada uu ku dhintay mid ka mid ah waxgaradka magaalada.

Dad xogogaal ayaa VOA u sheegay inay u muuqato in qaraxaasi ahaa mid loogu xiray baabuurka. Wararka kale ee ay heshay idaacadda ayaa sheegay in qofka dhintay lagu magacaabo Cabdirissaq Muuse Nuur-yare.

Ilaa hadda ma cadda sababta loo bartilmaameedsaday.

Dhinaca kale mid ka mid ah suxufiyiinta ka hawlgala warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa la sheegay inuu soo gaadhay dhaawac fudud kadib makrii uu rasaas furay askari ka mid ah kuwa dawladda.

Saxafigan oo lagu magacaabo Fahad Cabdi ayaa la sheegay inuu dhaawacu ka gaadhay qoorta. Ilaa hadda ma cadda sababta uu askarigaasi rasaasta u furay, waxaana shilkan uu ka dhacay meel u dhow Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho.

XS
SM
MD
LG