WASHINGTON. DC —
Danjiraha Soomaaliaye u fadhiya dalka Maleysia, Abuukar Cabdi Cismaan, ayaa sheegey inay jiraan dad dallaaliin ah oo lacago ka qaata ardada dooneysa inay dal ku galka waddankaasi Malesiya helaan, taas oo uu sheegay in ay dhibaato ku noqoto ardada iyo safaaradduba.
Ardayda iyo dadka kale ee doonaya in ay helaan dal-kugalka Maleysia ayuu safiirku ugu baaqay in kala tashadaan safaaradda Soomaaliya ee magaalada Kuwalalmbur.
Wareysi arrimahaasi ku saabsan ayaa waxaa khadka telefoonka safiirka kula yeeshay wariyaheenna Jamaal Axmed Cismaan.