Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo Weerar Culus ku Qaaday Lamu


Shabaab
Shabaab

Wararka ka imanaya gobolka Lamu ee dalka Kenya ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay xalay weerar ku qaadeen saldhig ay leeyihiin ciidamada booliiska Kenya oo ku yaalla degaanka lagu magacaabo Pandanguo.

Khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur ayaa la soo sheegayaa inay ka dhasheen weerarka.

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerareen isla markaana ay burburiyeen anteennada telefoonnada ee deegaanka taasina ay adkaysay sidii xog sax ah looga heli karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhacay halkaasi.

Booliiska dalka Kenya ayaa xaqiijiyey weerarka inuu dhacay waxayna sheegeen in dagaal uu socdo. Ururka Al-Shabab ayaa iyaguna sheegtay mas’uuliyadda weerarkan.

Gobolka Lamu oo u dhow xuduudda Soomaaliya ayaa ka mid ah deegaananada ay mintidiinta Al-Shabaab ka gaystaan weerararada oo beryihii ugu dambeeyey u badnaa kuwo loo adeegsado miinooyinka lagu aaso waddada dhinaceeda.

XS
SM
MD
LG