Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Agaasimihii Hore Warfaafinta ee DF oo Qarax Lala Eegtay


Warar goor dhowayd naga soo gaadhay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay agagaarka Taleex ee degmada Hodan.

Saraakiisha amniga ayaa idaacadda VOA u sheegay in qaraxan lala beegsaday sarkaal hore uga tirsanaa wasaaradda warfaafinta dawladda Soomaaliya oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Yuusuf Bahlaawi.

Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in dadkii saarnaa baabuurka oo saddex ruux ahaa ay dhaawacyo soo gaareen.

Warar hordhac ah oo aan helnay ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhashay walxaha qarxa oo lagu xiray baabuurka uu watay mas'uulkaas.

XS
SM
MD
LG