Isku xirrada

Al-Shabaab oo ku Raad Joogta Abu Mansuur


Mukhtar Robow

Wararka ka imanaya Gobolka Bakool ayaa sheegaya in maleeshiyada ururrka Al-Shabab ay ku dhowaadeen deegaan ay ku tuhunsan yihiin inuu ku sugan yahay Mukhtaar Roobow Abu Mansuur.

Abu Mansuur ayaa dhowaan laga saaray liiska shaqsiyaad si weyn ay u doonaysay dawladda Maraykanka, ayada oo lacag madaxiisa la dul dhigay dib looga laabtay.

Xuseen Barre Aadan ayaa xaaladda Mukhtar Roobow ka waraystay Guddoomiyaha Degmada Xuddur Maxamed Macallim oo deegaanka xiisaddu ka taagan tahay hoos yimaado. Ugu horrayn waxa uu ka hadlayaa sida uu u arko xayiraadda laga qaaday Roobow.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG