Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Dowladda oo Howlgal ka Billaabay Sh/Dhexe


Ciidamada
Ciidamada

Ciidamada militariga Soomaaliya ayaa howlgal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab maanta ka billaabay deegaanno dhaca bariga gobalka Shabeellaha dhexe.

Howlgalka ayaa ku jiheysnaa inta u dhaxeysa degmada Mahadey iyo deegaanka Biyo-Cade, illaa iyo haddana lama oga heerka uu gaarsisian yahay khasaaraha ka dhashay howlgalka.

Tuulada Cal Fooldheere oo ka mid ah deegaanadii lagu dagaalay ayaa la sheegay in ay guryo ku gubteen rasaasta culus oo ay is-weydaarsadeen ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya, ayaanu jirin cid kale oo howlgalka ku wehlineysa howlgalka.

Jamaal Axmed Cusmaan ayaa iska horimaadka ka waraystay Abuukar Maxamed “Abuukar Bacadle” oo ah weriye ka tirsan idaacadda Radio Muqdisho.

Wareysi: Weriye Abuukar Bacadle
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:18 0:00


XS
SM
MD
LG