Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Dad Dhaawac ah oo loo Qaaday Sacuudiga


Labaddii qarax ee ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay bishan barkaeysan ee Ramadaan ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 40 qof, dhowr iyo afartan kalena wey ku dhaawacmeen.

Marka ay qaraxyadan oo kale dhacaan, waxaa dhaawacyo culus oo aan Somalia wax looga qaban karin ay ka soo gaaraan dad shacab ah.

Laakiin mararka qaar, waxaa tiro ka mid ah dhaawacyadaas loo qaadaa dalal dibadda ah, si loogu so daweeyo.

14 ka mid ah oo u badan dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay ayaa maanta loo qaaday dalka boqortooyada Sacuudiga, sida uu Muqdisho kaga soo waramayo wariyeheenna Xassan Kaafi Cabdiraxman Qoyste.

Warbixin: Xasan Kaafi Qoyste
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:08 0:00

XS
SM
MD
LG