Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Dad Badan ku Dhinteen oo ka dhacay Muqdisho


Qarax
Qarax

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 18 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo uu waday qof ismiidaamiye ah lagu dhuftay xarunta degmada Wadajir.

Goobjoogayaal ayaa idaacadda VOA u sheegay in baabuurka uu xoog ku soo galay barxadda xarunta, islamarkaana uu gaystay khasaare ballaadhan oo dhimasho, dhaawac iyo burburba leh.

Wariyaha VOA ee Muqdisho, ayaa sheegay in uu arkay meydadka illaa 10 qof oo daadsan halka qaraxa uu ka dhacay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, oo ay sheegeen inuu fuliyey qof ismiidaamiyey oo watay baabuur.

Weriyahayaga Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa tagay goobta weerarku ka dhacay, waxaana uu nooga soo diray warbxintan.

Qarax ka dhacay Muqdisho
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:26 0:00

XS
SM
MD
LG