Isku xirrada

Dowladda oo Sheegtay Inay Isku Soo Dhiibeen 50 Shabaab ah


Wasiirka gaashaandhigga iyo xubno Shabaab ah

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ka badan 50 maleeshiyada Al-Shabaab ah ay isku soo dhiibeen tan iyo intii uu madaxweynaha Soomaaliya ku dhowaaqay cafiska loo fidiyey xubnaha kooxdaas.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed oo ka mid ahaa madax ka tirsan dawladda oo shalay kormeer ku tagay saldhigga ciidamada Laanta Buuro halkaasi oo ay iska soo dhiibeen laba ka mid ah dhalinyarada ayaa sheegay in badi dadka isku soo dhiibay dawladda ay ka tirsan dhalinyarada dagaalanta ee Al-Shabab.

Haaruun Macruuf ayuu ugu warramay khadka telefoonka.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG