Isku xirrada

Sacuudiga oo Somalia ku Cadaadinaya in Qatar ay Xiriirka u Jarto.


Madaxweynaha Somalia iyo Boqorka Sacuudiga

Dowladda Sacuudiga ay la sheegayaa inay dowladda Soomaaliya ku cadaadinayso sidiii ay xirirka ugu jari lahayd Qatar.

Warar aan ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dhaqaale Sacuudigu uu u balanqaaday inuu siinayo Soomaaliya uu dib u dhac ku iman karo haddii ay Somalia ay mowqifkeeda ku adkaysato oo aysan Sacuudiga taageerin.

Wasiirro ka socda dowladda Somalia ayaa ka soo noqday safar ay ku tageen Sacuudiga, waxaana la sheegay inay la kulmeen oo kaliya agaasimayaal, halkii markii hore qorshuhu ahaa inay la kulmaan wasiirada dhigooda ee Sacuudiga.

Haddaba Safiirka Somalia ee Sacuudiga Dahir Maxmuud Geelle ayaa VOA uga warramay arrimahan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG