Isku xirrada

Somalia oo Dhexdhexaad ka Noqotay Khilaafka Dalalka Carabta


golaha wasiirada

Dowladda Somalia ayaa sheegtay inay aad uga xuntahay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex oogan dalalka Carabta.

War qoraal ah oo kooban oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu yiri “Soomaaliya waxey ugu baaqeysaa wadamada walaalaha ah ee khilaafku ka dhex ooganyahay inay arrimahooda ku xaliyaan wada hadal loo maro Jaamacadda Carabta iyo ururka Iskaashiga Islamka.”

Qoraalka waxaa lagu yiri, “Soomaaliya oo xubin ka ah labadaba Jaamacadda Carabta iyo Ururka Islamka waxey diyaar u tahay inay gacan ka geysato xal u helista muranka soo kala dhex galay wadamada aan walaalaha nahay.”

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG